Maamulka K/Galbeed oo sheegay inay dileen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

by admin | Wednesday, Jan 27, 2021 | 303 views

Laamaha Ammaanka dowlad Goboleedka Koonfur galbed ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal ciidan oo ka dhacay degaan ku yaal duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay, kaas oo la sheegay in lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Saaydheeloow 30km dhinaca Waqooyi uga beegan Magalada Baydhabo, waxaana howlgalka siwadajir ah u fuliyay Ciidamada Booliska dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed.

Taliyaha Ciidamada Booliska koonfur Galbeed Korneyl Cabdi Ibraahim Shaamow ayaa sheegay inay ka hortageen go’doomin ay Al-Shabaab la damacsanaayeen Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Taliyaha in howlgalka ay ku dileen mas’uuliyiintii degaannada Saaydheeloow & 20 jiroow, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen hub farabadan.

Like it? Share it!

Leave A Response