DG Hir-Shabeelle oo maanta Bilawday Tallaalka Covid-19.

by admin | Monday, Mar 29, 2021 | 432 views

DG Hir-Shabeelle ayaa maanta Tallaalka Covid-19 ka bilawday Degmooyinka Jowhar & Baladweyne ee Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana bilaabay mas’uuliyiin katirsan maamulkaas.

Wasaaradda Caafimaadka DG Hir-Shabeelle ayaa dadka ugu baaqday in ay qaataan Tallaalka looga hortagayo faafitaanka Coronavirus isla markaana jirkooda siinaya awood uu isaga difaaci karo xannuunka.

Xarumo loogu talagalay in lagu tallaalo dadka laguna siiyo kaararka aqoonsiga ee qofka garabka laga mudo si qaybta labaad ay isugu diyaariyaan sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka DG Hir-Shabeelle.

Howlwadeennada Caafimaadka ayaa loo diyaariyay tallaalka maanta ka bilawday Jowhar & Baladweyne si joogto ay ugu wadaan shaqadaan maadaama ay diiwaangeliyeen dad da’aad kala duwan oo daneynaya.

Like it? Share it!

Leave A Response