Markab ku xanibnaa Kanaalka Suweys oo laga soo saaray

by admin | Monday, Mar 29, 2021 | 275 views

Gurmadkii ugu ballaarnaa ayaa waxaa xalay xoog iyo itaal la isugu geeyey sidii Markabka MV EVER GREEN looga jiidi lahaa Kanaalkaasi oo Hawlbowle Dhaqaale iyo Nolol u ah dadka Masaarida iyo inta badan Caalamka.

Markabkaasi oo si dadban u xanibay labada dacal ee Kanaalkaasi ayaa waxaa xalay lagu guuleystay in Markabka laga soo jiido Xeebta, iyadoo 80% haatan uu sabaynayo Badda.

Madaxa Maamulka ee Kanaalkaasi, Admiral Osaama Rabiic waxa uu xusay in Hawlgalkii xalay horumar laga gaaray, kadib, markii ay 10 doonyaha jiida Maraakiibta ka hawlgalaan dhinacyada Markabkaasi.

Waxa uu xusay in Markabka laga soo jiiday 102 mitir ee dhanka Xeebta, balse, Milkiilaha Markabkaasi waxa uu xusay inay hawsha weli qabyo tahay, oo qeybta hoose ee Markabka ka buuxaan bacaad iyo dhiiqo.

Like it? Share it!

Leave A Response