DHAGEYSO: Degmada Jalalaqsi  ee gobolka hiiraan  Oo Lagu Arkay Wax U Eg Dayax Gacmeed Dadkuna Ka naxeen{warbixin }  

by admin | Thursday, Mar 29, 2018 | 1175 views

Degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu arkay waxyaabo dadka ku nool Magaaladaas ay aad uga argagaxeen,kuwaas oo iyaga oo jawi hoose ku socda lagu arkay Hawada Magaalada Jalalaqsi   ee gobolka hiiraan

Maamulka degmada Jalalaqsi oo la hadlay  warbaahinta   ayaa waxaa  ay  sheegeen in la’arkay waxaybo aad u weyn oo iftiimaya maadaama ay aheyd xili habeen ah,isla markaana dadka magaalada ay sheegayeen in ay arkeen waxyaabo mucjiso ah ama uu ahaa Dayax Gacmeed.

Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow ayaaa sidoo kale   Waxa uu sheegay in waxyaabahaas weyn magalada ay aad ugu soo dhawaadeen ilaa iyo haddana aan la ogeyn waxa lagu tilmaamo taasina ay cabsi ku abuurtay dadka magalada maadaama ay ahaayeen waxyaabo aan dhawaaqeen ama aan wax cod ah aan laheyn.

waxa uu sheegay in tuulooyin hoostaga degmada Buulo Burde lagu arkay,laakin ilaa hadda aysan jirin wax dhibaato ah oo ay geesteen.

Dadka Degmada Jalalaqsi qaarkood  waxa ay sheegeen in ay  casbi soo wajahday wixii ka dambeeyey  ka dib markii  ay arkeen  waxaas   aadka u weyna uu dushooda soo maray,isla markaana ay iyagu moodayeen in Magaalo dhan oo guureysay ay soo martay dushooda

Arrintaan  ayaa  noqotay  mid   ku  cusub dhagaha Shacabka Soomaaliyeed  kaddib markii qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan sheegeen in ay arkeen wax u eg magaalo dhisan oo dulmareysa  degmada   Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan  .
Qaar kood    dadka ku dhaqan degmada Jalalaqsi ayaawaxa  sheegay in deegaan oo  25km u jira degmada  Jalalaqsi  oo lagu magacaabo Qoryaale ay ku arkeen wax u eg xaafad dhisan oo ku socta hawada korkeeda.
Sidoo kale waxaa ay  warbahinta sheegeen in markii hore dad jooga meel ka baxsan degmada ku soo wargaliyeen, laakiin intaa kaddib markii danbe ay iyagu Idhahooda ku arkeen muuqalkan oo sida uu u fasiray u eg xaafad dhan oo dhismayaasheedu u dhameystiran yihiin.

Waxaan aragnay   magaaalo dhan oo socta, oo dhismayaal kala duwan leh, Geedo leh, Masaajido leh, Guryaha qaar daaqadaha u furan yihiin, Dabaqyo dhadheer leh, waxaa ay naga soo galeen dhinaca Waqooyi kaddibna waxaa ay u dhamaadeen dhinaca Koonfureed’’ ayuu yiri mid ka mid ah dadk deegaanka  oo la hadlay warbaahinta,
Lkn dadka    qaarkood    markii ay arintan ka war helleen qaarkood waxaa    ay  u dhaqaaqeen dhinaca uu naga xigey muuqalkan, halka qaar kalana bilaabeen in Qur’aan Akhristaan.

‘’Markii ay magaaladii oo dhan isku soo baxday oo la arkay magaaladan socota, dadka qaar ayaa aaday bal si ay ugu dhawaadaan, halka kuwa kalana bilaabeen in ay Qur’aan Akhristaan’’ ayuu mid ka mid ahaa dadkii goobta joogyay.

Dhinaca kale Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidoow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in bulshada ku soo wargaliyeen in ay arkeen wax u eg xaafad, islamarkaana arkeen wax wada ifaya oo magaalada ku soo dhawaaday.

‘’Bulshada ayaa nagu soo wargaliysay in ay  arkeen wax aan masaafo dheer ku socon oo wada ifaya, dadkana arintaa wax ay ku sifeyn karaan malaha oo waxaa ay ku adkeysanayaan in ay tahay mucjiso, ‘’ayuu yiri  Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidoow  .

Laakiin dadka qaar waxa ay arintan u fasireen Dayax Gacmeed joog hoose ku socda,  maamulkana waxaa uu sheegay in wali ay wadaan baaritaan iyo wareysiyo lala yeelanayo dadkii arkey arintan.
W/D:  bashiir cabdulahi cismaan
Bashka694@gmail.com
Baladweyne.soomaaliya

 

Like it? Share it!

Leave A Response