Xildhibaano sheegay inuu buray Mooshinka Jawaari{AKHRISO}

by admin | Thursday, Mar 29, 2018 | 1369 views

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka gaar ahaan kuwa taageersan Guddoomiye (Jawaari) oo xalay kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ayaa ku dhawaaqay in sharci ahaan uu jabay Mooshinkii laga keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Xildhibaanada oo qoraal ay soo saareen ka koobnaa ilaa 6 qodob ayaa sababta Mooshinka uu ku jabay waxa ay ku sheegeen inuu dhamaaday waqtigii 10-ka maalmood ee uu soo jeediyay Aqalka Sare oo ka bilaabaneysay 18 bishan illaa 28 bishan.

Shir jaraa’id oo la qabtay markii kulanka soo dhamaaday ayaa waxaa saxaafada u aqriyay qoraal ka soo baxay Xildhibaanada Jaamac Maxamed Askar, isagoo xusay in wixii ka bilowda 28-ka bishan ku ekaa Mooshinkii Jawaari.

Madaxweyne Farmaajo oo aan wali ka hadlin arrintan khilaafka ayay sheegeen, inuu mas’uuliyadeeda qaadayo wixii qalalaase iyo burbur ku yimaada Hay’adaha Dastuuriga, maadaama la diiday sareynta sharciga.

Go’aanka ka soo baxay xildhibaanadan ayaa u muuqda mid meesha ka saaraya hadalkii Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey oo maalmo kahor sheegay cod u qaadista Mooshinka (Jawaari) in ay dhaceyso 31-ka bishan oo ku beegsan Sabtida soo socota.

Weli waxaa muuqata inuu  sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira Baarlamaanka, gabi ahaan waxaa hakad ku jira shaqooyinkii ka socday xafiisyada Dowladda.

 

 

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response