DHAGEYSO: xiisad ayaa ka taagan magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan .

by admin | Friday, Mar 30, 2018 | 1196 views

Cali  dhuux  Cabdi Mahad Alle, duqii magaalada B/weyne ayaa isaga oo maanta saxaafadda kula hadlay magaaladaasi wuxuu kasoo horjeestay xil ka qaadistii dhowaan ay ku sameysay wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Hirshabelle.

Waxa uu sheegay in Hirshabelle aanay shaqo wanaagsan ka hayn deegaannada loo doortay, sidoo kalena isaga uu ka dhiidhiyey go’aankii xilka looga qaaday.

Duqa B/weyne ee xilka laga qaaday ayaa shaqadiisa si caadi ah u wata isaga oo u shaqo taga xafiiskiisa.

“Hirshabelle wax ay umaddan u qabatay malahan, inta aan la dhisin maamulkaan dhib kama jirin Hiiraan, markii ay timidna dhibaato ayaa ku habsatay shacabkii, lacag Soomaali kama socoto, mushaar ma qaadanno, wax aan cunno ma haynno, xafiiskeenna wax lagu xaaqo ayaa la waayay, maalinta ay ugu yar tahayna 10 kun oo doolar ayaa Banki lagu shubtay, intaas markaan aragnay waxaan doorbidnay in marka Koowaad aan daabka ka bixinno mindida ay inagu dilayaan, waligey maan arkay wasaarad maaliyadeed oo yaanyo iyo caano canshuureysa… in si sax ah shaqo iiga joojisayna maleh” ayuu yiri Mahad Alle.

26-kii bishan, warqad kasoo baxday wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Hirshabelle ayaa shaqadii looga joojiyey duqii B/weyne.

Like it? Share it!

Leave A Response