Cabdiweli Muudey oo si yaab leh ugu jawaabay Guddoomiye Jawaari

by admin | Friday, Mar 30, 2018 | 1696 views

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey oo xalay war saxaafadeed soo saaray ayaa waxa uu kaga hadlay xaalada hada jirta iyo waxa soo socda ee Goluhu uu doonayo inuu sameeyo, wuxuuna war-saxaafadeedkiisa ka koobnaa ilaa Saddex qodob.
Wuxuu qoraalkiisa ku sheegay inuusan waxba iska bedelin sharcinimada iyo habraacii uu ku socday Mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari, oo uu sheegay in lagu balansan yahay in Golaha la horkeeno maalinka Sabtida ah.
Guddoomiye Muudey ayaa sidoo kale sheegay Mooshinka Gudoomiyaha Golaha Shacabka in loo codeynayo 10 cisho oo maalin shaqo ah, laga bilaabo Taariikhda Mooshinka la keenay, sidaasi darteedna Mooshinka Golaha la horkeeni doono 31-ka bishan March 2018.
Wuxuu kaloo Guddoomiye ku xigeenku sheegay in Guddiga joogtada Golaha Shacabka ay howlaha Baarlamaanka sii wadi karaan, Ajendaha kalfadhiyada soo socdana dajin karaan marka xildhibaanada Baarlamaanka fasax ku jiraan, balse marka uu Goluhu furan yahay in aysan laheyn saameyn.
Ugu dambeyn Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay Guddoomiyaha Mooshinka laga keenay inuusan ku hadli karin magaca Golaha Shacabka, inta go’aan laga gaarayo Mooshinka ka yaalla.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo xalay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu dib ugu soo laabtay shaqada, Baarlamaankana uu furmi doono maalinta Sabtida ah oo uu sheegay in looga hadlayo xiisada ka taagan Magaalada Beled Xaawo.
Hadalada ka soo kala baxaya Guddoonka Baarlamaanka ayaa u muuqda kuwo ah ijiid aan ku jiidee, shacabka Soomaaliyeed ayaanan la dhacsaneyn qaabka hada ay wax u socdaan, balse maalinta berri ah ayaa lagu madalsan yahay in la kala baxo.

Like it? Share it!

Leave A Response