Jawaari: Ra’iisul Wasaaraha waa Qof Fiican, Waana Shaqo Yaqaan.

by admin | Friday, Mar 30, 2018 | 1571 views

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Mooshinka ka yaala oo goordhow SHir Jaraa’id qabtay, ayaa ka hadlaya rimo dhowr ah oo ku saabsan howsha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.
Qeybta u horeysay Shirkiisa Jaraa’id, waxa uu diirada ku saaray mahad naq uu ujeedinayay; Xildhibaanadii taageersanaa, Guddigii Aqalka sare ee Xalinta Khilaafaadka, Culimada Somaliyed oo walaac ka muujiyay Khilaafka iyo Bulshada guud ahaan oo si dhow ula socotay Is Jiidjiidka ka dhashay Mooshinka.
Jawaari ayaa amaan kala dul dhacay Kheyre, waloow uu usii raaciyay in maalmahan dnabe uu talooyin ka qaadanayay Dad uu ku sheegay iney ahaayeen kuwii burburiyay Baarlamaankii 8-aad ee Dalka ka jiray, Waxa uu cod dheer ku yiri, Annaga Mooshinka kaama wadnee, kaada naga Jooji,Waxaa kaloo yiri Kheyroow hubka dhig oo xalka daji.
Xildhibaanada ayuu sheegay iney sharci uleeyihiin iney Mooshinka ka keenaan Gudoomiyohooda, Waxa uu soo qaatay waqtiyada ay tahay in Mooshinka la keeno, Madaxweynaha oo kale ayuu sheegay in 30 Cisho gudohood ay tahay in Mooshinkiisa lagu keeno, Gudoomiyaha ayuu tilmaamay inuu heysto 10 Maalin oo ay tahay mooshin hadii laga gudbiyay in Golaha lagu horkeeno, Halka Ra’iisul wasaaraha ahdii Mooshin laga keenana uu heysto 5 Cisho oo kaliya.
Waxa uu soo hadal qaaday amniga Xarunta Golaha Shacabka iyo Ciidamada la wareegay Xarunta markii Mooshinka Khilaafkiis cirka isku sii shareeray, Gudoomiye Jawaari ayaa laanta fulinta uga digay iney qaadi weyso Ciidamadan oo aan lagu soo celin Ciidamadii Tababarnaa ee Golaha Shacabka geeyay Xaruntooda.

Hadalka Jawaari ayaa imanaya, iyadoo isla Caawa Guddiyada Joogtada ee Golaha Shacabka sheegeen inuu buray Mooshinkii Jawaari ka dhanka ahaa, ayna soo bandhigeen Ajandaha Kulanka Sabtida oo ku saabsanaanaaya arinta Xadka ee Magaalada Baladxaawo.

Like it? Share it!

Leave A Response