9-ka Qodob ee Lagu Garto Qofka Beenaalaha ah

by admin | Friday, Mar 30, 2018 | 1654 views

Qof caadiga ah waxa uu dareemi karaa marka beenta loo sheegayo, haddii uu u fiirsado, waana wax gudaha aadanaha ku abuuran oo uu ku kala saari karo waxyaahaba aan saxda ahayn.

Macnaha erayga Been

Qaamuuskeenna Soomaaligu waxa uu ku sheegayaa waxaan jirin oo la sheego ama aan run ahayn. Guud ahaanna waa xaqiiqda oo la dhalan-rogo oo siday ay wax u jiraan mooyaane si ka duwan wax loo sheego.

Culumada ku takhasustay cilmi-nafsiga Behavior-ka dadka iyo kuwa dabeecadaha caadiga ah aqoonta dheeraadka ah u leh ayaa sheegaya in qofka si fudud loo ogaan karo marka uu beenta sheegayo, calaamadaha lagu garan karana ay ka mid yihiin:

1 .Luqada Indhaha

Qofka beenta sheegayaa indhaha ma siin karo qofka uu warka u tabinayo

2 .Dhaqaaqa indhaha

Qofka beenta sheegaya haddii uu yahay qof midigle ah oo midigta qoraalkiisa ku qora, marka uu hadlayo haddii eegmadiisu u badato dhanka midigta waxa uu tabinayaa run maaha, halka qofka bidix laha ah marka uu bidix eegistiisu u badan ay u badan tahay inuu been sheegayo.

3 .Dheelitiranka oo uu luma

Qofka beenta sheegaya waxaa inta badan lagu yaqaannaa inuu yahay  qof isku dhex yaacsan oo xisillooni haddii lagu yaqaannay waxay ka lumaysaa.

4 .Duurxul Farabadan

Hadalka qofka beenta sheegayaa inta badan iskuma xirta oo ma habeysna, waxaana ka buuxa hadallo duurxul ah iyo faahfaahinno aan muhiim ahayn.

5 .Is Difaacid

Qofka beenta sheegaya waxaa ka muuqda dareen isdifaac ah, kaas oo uu kaga hortagayo cid kasta oo shaki ka muujisa waxa uu sheegayo.

6 .Marin habaabin

Hadalka qofka beenta sheegaya waxaad ka dareemaysaa macluumaad marin habaabin ah oo aad dareemi karto, hadalka beenta ah ayuu ku larayaa macluumaad soo jiidan kara qofka uu beenta marsiinayo, si caddaan ah ayaad u dareemi kartaa waxa uu wadaa iney lifaaq been ah tahay.

7 .Dhafoorada oo guduuta

8 .Isbedel dhanka muuqaalka guud ah

Qofka beenta sheegaya waxaad dareemaysaa inaanuu lahayn dabacaddii aad markii hore ku taqanaanay, isbedel ayaad ka dareemaysaa guud ahaan muuqaalkiisa.

9 .Jumlado uu horey u sheegay markale iskuma hagaajin karo.

Xukunka Beenta

Beentu waa akhlaaqda lagu yaqaanno munaafiqiinta, xukunkiisa waa xaaraan, lamana ogolada saddex xaaladood mooyaan, Xilliga dagaalka lagu jiro; marka laba qof lagu heshiisiineyso, sheekada ninka ee xaaskiisa iyo sheekada ay hawenaydu ninkeeda kusoo jiidaneyo. Waana sida ku cad xadiiska ay warisay Umu-kalthuum ee uu Imaamu Muslim kusoo saaray saxiixiisa, safxadda tirsigeedu yahay 2605.

Waxaana Rasuulka Allah (SCW) xadiis macnihiisu yahay ku yidhi “Ka tag wixii ku shaki gelaya (ee aanad hubin) waxaanad raacdaa wixii aanad ka shaki qabin ee aad u hubto “Maxaa yeelay runtu waa arrin ay naftu ku xasisho , beentuna waa shayga ay naftu ka shakido”.
Quraanka kariimka ahi Wuxuu dhaliil u soo jeediyay dadka ku dhaqma shakiga iyo waxa aanay hubin sida ay caddaynayso Aayadaa Quraanka kariimka ahi ee macnaheedu yahay: “Ma raacayaan waxaan ahayn male, iyo wixii ay naftoodu jeceshahay, hanuunkuna wuxuu ka yimi xagga Allah”.  Aayadda 23. Surradda Najmi
Islaamku wuxuu aad u qiimeeyay runta iyo ku dhaqankeeda sida Rasuulka Allah (SCW)   ay Caa’isha (rc) ka soo werisay waxayna tidhi “ Aad ayuu Rasuulku u necbaa beenta iyo qofka beenaalaha ahba, hadduu qof ku ogaado inuu been sheegay , qalbigiisa Nebiga (scw) kamay bixin jirin beenta qofkaasi sheegay, ilaa uu ogaado inuu qofkaasi ka toobad keenay beentii”.

Like it? Share it!

Leave A Response