Wasiir Caadle oo ka hadlay Sida lagu gaari karo Amniga iyo Dhismaha Golaha Deegaanka.

by admin | Saturday, Mar 31, 2018 | 1111 views

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle oo ka hadlayay Shir looga magac daray Xasilinta Hir-Shabeelle ayaa sheegay in dadka deegaanada maamulkaas looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan Xasilinta.
Wasiir Caadle ayaa sheegay in ay Bulshada Hir-Shabeelle ay bari doonaan muhiimadda Amniga iyo Dhismaha Golaha Deegaanka Maamulkaasi uu leeyahay.
Kulanka oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka qeyb galay Wasaaradaha arrimaha Gudaha ee Maamul Goboleedyada dalka.
Dhankooda waxa ay iyanna kusoo bandhigayeen sida Hir-Shabeelle ay ku gaari karto Xasilooni Amni iyo Dhismaha Golaha Deegaanka, waxaana la sameynayay aragti uruurin ku saabsan ka qeybgalayaasha Madasha.

Wasiirka Arrrimaha Gudaha Hiir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle oo hadlay ayaa sheegay in Mas’uuliyaddu ay tahay mid meel ugu siman qof waliba, sidii looga mira-dhalinlahaa arrintaan ayuu sheegay in ay tahay raadinta Xasilinta oo ah Caqabadda ugu weyn ee hor istaagi karto howsha ay wadaan sida uu hadalka u dhigay.
Maamulka Hir-Shabeelle oo ahaa Maamul goboleedkii ugu dambeeyay ee la dhisay ayaa qorsheynaya sidii uu dhisan lahaa Gole Deegaan, si lamid ah Maamul Goboleedyada qaarkood oo Deegaanadooda ka dhisay,,,

Like it? Share it!

Leave A Response