Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay rasaas ay fureen Ciidamo katirsan DANAB

by admin | Tuesday, Sep 13, 2022 | 408 views

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in rasaas ay fureen Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB xilli ay marayeen duledka Magaalada Gaalkacyo ay ku dhinteen dad rayid ah kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Falkaan ayaa waxaa uu ka dhacay wadada xiriirsa Magaalada Gaalkacyo iyo degaanka Dagaari, waxaana dadka ku dhintay rasaasta oo ciidamada ay wadada ku furanayeen kamid ah Nin lagu Magacaabi jiray Mascuud Cabdulqaadir dhoore oo kamid ahaa dhalinyarada Degmada Guriceel.

Ciidamo kale oo katirsan kuwa dowladda iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa gaaray halka uu falka ka dhacay, iyaga oo goobta kasoo qaaday dadka kudhintay rasaasta iyo kuwa ku dhaawacmay.

Wararka aan heleyno ayaa waxaa ay sidoo kale sheegayaan in Ciidamada DANAB ee rasaasta furay ay socdaalkoodii iska sii wateen, iyada oo ehellada dadkii ku waxyeeloobay rasaastaas ay cadaalad dalbanayaan.

Like it? Share it!

Leave A Response