Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Shaqaaqo ka dhacday Walanweyn

by admin | Sunday, Sep 13, 2020 | 332 views

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay is rasaaseyn degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dhex-martay ciidamo ka wada tirsan daraawiishta Koonfur Galbeed oo dhawan la geeyay degmadaas.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in is rasaaseynta oo ka dhacday suuqa muuri ee u dhow Aargada Dagmada Wanlaweyn ay ka dambeysay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex-galay laba kamid ah Askarta sidaasina uu dagalka ku bilaawday.

Inta la xaqiijiyay is rasaaseynta ayaa waxaa ku geeriyooday Saddex Ruux oo laba kaid ah ay yihiin Ciidamadii dagaalamay halka ay ku dhaawacmeen laba qof oo mid kamid ah haweeney tahay oo xaaladeeda caafimaad ay aad u liidato.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo degmada Walanwyen ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana uu xiran yahay suuqa Muuri oo ah halak ay labada ciidan ku wada dagaalameen.

Degmada Walanweyn ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay dagaal beeleedyos oo laab laabtay,waxaana taasi ay sababtay in Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed ay Ciidamo geeyaan.

Like it? Share it!

Leave A Response