Shabaab oo ka khudbeeyay deegaan u dhaw garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb

by admin | Friday, Sep 11, 2020 | 385 views

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay dagaalyahanda Al-Shabaab ayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ka bilaabay deegaano ka tirsan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel oo aysan soo haweysan 10-kii sano ee ugu dambeeyay.

Ilo wareedyo muhiim ah oo ka mid ah dadka degaanka iyo saraakiisha amaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay soo gaareen degaanada kala ah; Labad dugle, Miir dugul, Ceel Cali Mire, waxeyna sidoo kale aad ugu soo dhawaadeen garoonka Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb oo ah xarun ah Galmudug.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa soo gaaray degaanada kala ah; Barujeed, Bulacle iyo degaanka Dabare oo dhamaantood ka tirsan magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud.

Dadka deegaanka ayaa noo sheegay in Al-Shabaab dadka u khudbeeyeen islamarkaana ay u sheegeen in la dhageysanayo mobeelada ay wataan, haddii ay sheegaana ay la kulmi doonaan ciqaab adag.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa degaanada qaar ka watay dhallinyaro iyo odayaal degaanka ah, iyagoo sidoo kale bilaabay in ay dadka ka aruuriyaan lacago.

Habeenkii 4-tii September, Dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday ciidamada Amisom ee fadhigeedu yahay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Weerarka oo billowday fiidkii habeenkii Jimcaha ayaa la iska caabiyey, wuxuuna socday kaliya 15 daqiiqo, sida ay sheegayaan wararka. Lama soo werin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Garoonka ayaa waxaa degan ciidamo isugu jiray Itoobiyaan iyo Jabuutiyaan, oo la geeyey toddobaadyo ka hor inta aysan magaalada ka bixin gacanta ururka Ahlu-Sunna.

Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa aad looga dareemayaa cabsi arrintaan ku aadan waxaana la sheegay in Al-Shabaab ay degaanadaasi qaarkood dageen.

10-kii sano ee la soo dhaafay magaalooyinkaas oo ay gacanta ku hayeen Ahlu-Sunna waxay ahaayeen kuwa nabad ah waxaase hadda muuqanaysa in Al-Shabaab ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Like it? Share it!

Leave A Response