Dibindaabyadii UHURU iyo rogaal celintii FARMAAJO{faallo}

by admin | Saturday, Sep 28, 2019 | 620 views

Shirweynaha QM oo ah madasha ugu weyn diblomaasiyadda caalamka, ayaa September 24, 2019 si rasmi ah uga furmay magaaladda New York. Shirka waxaa ka qeybgalay hoggaamiyeyaal ka kala socoda ilaa 193 waddan oo xubno ka ah golaha iyo marti sharaf ka timid daafaha dunida.

Ma aha markii ugu horeysay ee madax Soomaaliyeed ka qaybgasho shirweynaha QM, hase yeeshee, madashaan waxay kaga duwan tahay kuwii ka horreyay, iyadoo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu la hortegay dunida – hoggaan ku raad joogta siyaasad xasilloon, hiigsanaysa horumar dhaqaale, u baahan taakuleyn amni iyo iskaashi caalami ah.

Shir sanadeedka waxaa dib loogu eegi doonaa yolalkii caalamiga ahaa ee la isku raacay 2015kii ee la xiriiray “Dib-u- xoojinta dadaallada wadajirka ah ee dabargoynta saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.”

Kulanku wuxuu kusoo beegmay, xilli dunida walwal ka hayo xiisadaha ka ololsan Bariga Dhexe iyo midda fog, taas oo ay dheer tahay khilaafaadka kacsan ee Kashmir ee u dhaxaya India iyo Pakistan, burburka wadahadalada Mareykanka iyo Taliban, dhul balaarsiga Israa’iil, dagaalka lagu hoogay ee Yemen, iyo burburinta midnimada ummadda Soomaaliya.

Intaas waxaa dheer, in Maraykanka iyo Shiinahu isku hayaan dagaal ganacsi oo saameyn ku yeeshay dunida inteeda kale, halka dalka Ingiriisku uu la jahawareersan yahay Brexit. Haddana, qof kasta wuxuu ka hadlayay wax ka qabadka cimilada marka laga reebo Washington.

Dhanka kale, goobta waxaa ka socoto diblomaasiyad fara badan. Dadka qaarkii ayaa ka walwalsanaa habka wafdiga Kenya iyo kan Soomaaliya, oo in muddo ah wajigabax dhexyaalay, ay u kulmi doonaan. Hase yeeshee, arrintaas waxaa fududeyay Madaxweynaha dalka Masar Mudane Cabdifataax Al Siisi, oo haatan ah Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Madax badan ayaa ku dadaalaysa sidii ay u meelmari lahaayeen ajendayaashooda, inkastoo shirka laga sugayo xoojinta siyaasad fursad shaqo u abuurto dhallinyarada, xalliso colaadaha iyo khilaafaadka halista ah ee caalamka, kobciso dhaqaalaha, ilaaliso xuquuqda aadanaha, mideysana dadaallada lagu wajahayo dhimista saboolnimada.

Shirkii saddex geesoodka ahaa ee September 24, 2019 uu qaban qaabiyay Madaxweyne Cabdifataax Al Siisi ee dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa is faham leh ku dhammaaday.

Hase yeeshee, tuhun wuxuu ka dhashay qoraal ay Wasiiradda Arrimaha Dibedda Kenya, Marwo Monica Juma soo dhigtay barteeda twitterka oo ay ku tiri “Kenya waxay soo dhoweeneysaa kulankan koowaad oo ah tallaabo loo qaaday jihada saxda ah. Kenya waxay mar walba rumeysneyd, ayna sii wadeysaa inay ku baaqdo in wada-xaajoodyadu ay yihiin habka ugu wanaagsan ee dhibaatooyinka Afrika loogu heli karo xal Afrikaan;” (VOA – September 26, 2019).

Like it? Share it!

Leave A Response