faafaahin:Haweenay da’ ah oo lagu toogtay Muqdisho

by admin | Saturday, Sep 28, 2019 | 831 views

Wararka naga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay halkaasi ku dileen Haweeneyd da’ ah oo la sheegay in Shaah ku iibin jirtay Suuqa.

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha  meel u dhow Hoteelka Shaam.

Haweenayda la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xadiyo, waxaana Muddo dheer ay halkaasi ku heysatay ganacsiga Shaaha sidda ay goobjoogayaal noo xaqiijiyeen.
Kooxdii dilka geystay ayaa goobta ka baxsatay, waxaana halkaasi soo gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response