Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo kormeeray isbitaalka guud ee gobolka ayaa sheegay in wax laga qaban doono baahiyaha ka jira

by admin | Saturday, Sep 28, 2019 | 548 views

Kormeerkan guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale uu ku tagay isbitaalka guud ee gobolka ayaa waxaa ku wehelinayay xubno ka tirsan maamulka kuwaasoo kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay isbitaalka oo xiligan aysan jirin hay’adda gacanta ku heysta iyadoo bukannada isbitaalka la keeno daawooyinka inta badan looga doono farmashiyaasha magaalada Baladweyne.

Agaasimaha guud ee isbitaalka gobolka Hiiraan Axmed Maxamed Khaalif ayaa guddoomiyaha iyo xubnaha la socday uga waramay baahiyaha ka jira isbitaalka.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale  ayaa balan qaaday in maamulkiisa la iman doono waxqabad muuqdo oo ku aadan isbitaalka  gobolka  si ay u haleen bulshada adeeg caafimaad oo ku filan islamarkana isbedel lagu sameyn doono maamulka isbitaalka.

Like it? Share it!

Leave A Response