Diiwaangelinta Musharixiinta Aqalka Sare oo ka socota Kismaayo

by admin | Wednesday, Oct 20, 2021 | 228 views

Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee Heer Dowlad Goboleed ayaa Maanta waxaa ay  Xaruntooda Magaalada Kismaayo ka bilaabeen diiwaangelinta musharixiinta Aqalka Sare ee Beri doorashadooda ay dhaceyso.

Ilaa 8 Musharax oo ku tartami doona Afarta kursi ee Maamulka Nubbaland uga harsan Aqalka Sare ayaa Maanta la diiwaanginayaa, waxaana Musharixii ugu horreeyay ee la diiwaangeliyay uu Maanta noqday Xasan Daahir Yaroow, isaga oo buuxiyay shuruudihii laga rabay.

Maanta ayaa Gudiga doorashooyinka ee Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ay soo geba-gabeynayaan diiwaangelinta Musharixiinta, kuwaas oo Beri doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Kismaayo.

Maamulka Jubbaland ayaa todobaadkaan soo geba-gabeyn doono doorashada Aqalka Sare, waxaana kuxiga Maamulka Galmudug oo dhameystiri doona labada kursi ee uga harsan Aqalka Sare.

Like it? Share it!

Leave A Response