Ciidamada Millateriga oo Howlgal ka sameeyay Shabeellaha Hoose

by admin | Wednesday, Oct 20, 2021 | 352 views

Ciidamada Millateriga Soomaaliya oo ay wehlinayeen Ciidamada Maamulka degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo isbaaro qaadis ah ka sameeyeen waddooyinka soo galaniyo kuwa ka baxa degmadaas.

Howlgalka oo uu horkacayay Guddoomiyaha degmada Walanweyn Ismaaciil Sheekh Abuukar, waxaana Ciidamada ay howlgallada ka fuliyeen degaannada Cali Gaad Haakaaw, Ow Cismaan iyo Raama-kuuloow  iyo wadada aada Magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha degmada Walanweyn Ismaaciil Sheekh Abuukar ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa inay ka hortagaan maleeshiyaad si dhuumaaleysi ah isbaarooyin u dhigta iyo kuwo hub sharci darro ah la soo gala degmada Walanweyn.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxaa uu dignijn u diray kuwa isbaarooyinka dhigta wadooyinka soo gala degmada walanweyn ayna tallaabo ka qaadi doonaan, isaga oo Shacabka uga mahad celiyay sida ay ula Shaqeeyaan Maamulka.

Howlgalkaan Ciidamada Millateriga Soomaaliya ka fuliyeen wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa degmada Walanweyn ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay qaar kamid ah Bulshada degmadaas ay ka cabanayeen isbaarooyin dhowr ah.

Like it? Share it!

Leave A Response