Diiwaangelinta Musharrixiinta Golaha Shacabka oo ka billaabatay Baraawe

by admin | Tuesday, Feb 15, 2022 | 436 views

Magaalada Baraawe oo ah Xarunta rasmiga ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa Maanta ka billowday diiwaangelinta musharrixiinta 13 kursi ee Golaha Shacabka, kuwaas oo guddiga doorashooyinka dhawaan shaaciyeen.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Shahaadada Musharaxnimada Xildhibaan Guddoonsiiyey Dr Cali Saciid Faqi oo ah guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, kaas oo u tartamaya Kursiga Hop-187.

Cali Saciid Fiqi ayaa la filayaa in kursigaan kusoo baxo, waxaana horay ugu fadhiyay Shariif Sheekhunaa Maye.

Sidoo kale Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  ayaa Shahaadada Musharaxnimada Xildhibaan Gudoonsiiyey Xamza Saciid Xamza oo ah Wasiirka Dhalinyarada & Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya, kaas oo u tartamaya Kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-194.

Kursiga HOP#194 ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ku fadhiyay isla Xamza Saciid Xamza, isaga oo Burci Maxamed Xamze oo sanadkii 2016-kii ku geeriyooday qarixii ka dhacay Hotelka Naasa-Hablood ee Magaalada Muqdisho.

Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Shahaadada Musharaxnimada Xildhibaan Gudoonsiiyey Cal sheekh Maxamuud Nuur oo  u tartamaya Kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-143.

Kursiga Hop-143 ayaa waxaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Cali Sheekh Maxamed Nuur.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ayaa la filayaa inay maanta soo geba-gabeeyaan diiwaangelinta musharrixiinta si Maalibta berito ah loo qabto doorashada qeybta 1aad 13 kursi ee horay loo shaaciyay.

Like it? Share it!

Leave A Response