Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Askari dilay Bajaajle

by admin | Tuesday, Feb 15, 2022 | 554 views

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Xukun dil ah ku Riday Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo August 17-Keedii 2019 Dilay Marxuum Maxamed Cawil Jaamac oo ahaa Bajaajle.

Dilka Marxuumka kadib ayuu isaga Baxsaday goobaha Dowladda, waxaana September 2019 Maxkamadda Ciidamada ay U jartay Waaran Soo Qabasha ah.

December Sanadkii tegay ayuu u Gacan Galay Hay’adaha Amniga, wixii intaas ka dambeeyay waxa uu soo maray dhammaan Hab Raacyadii laga gaaray Go’aanka.

Xasan oo ka tirsanaa Ciidamada Xoogga ayaa Maxkamadda Ciidamada sheegtay in uu  heysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Like it? Share it!

Leave A Response