Dil ka dhacay degmada Cabudwaaq & faah faahin laga helayo

by admin | Friday, Apr 8, 2022 | 395 views

Wararka naga soo gaaraya degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Bartamaha degmada saaka lagu dilay mid kamid ah Darawalada Gaadiidka Jaadka ( Khaadka) keena degmadaas.

Ninka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Mahad Farabadane ayaa waxaa la sheegay in dilkiisa uu ka dambeeyay Nin ay saaxiibo ahaayeen kadib khilaaf soo kala dhexgalay.

Qof  ku sugan degmada Cabudwaaq ayaa Risaala u sheegay in Ninka la dilay iyo kan wax dilay ay wada isticmaalayeen waxyaabaha Maanka dooriya taas oo keentay inay is khilaafaan, iyada oo Ninka dilka geystay uu Goobta ka baxsaday.

laamaha Amniga degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa sheegay inay ku raad joogaan Ninka dilka geystay, kaas oo la sheegay in uu u baxsaday duleedka Magaalada.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii degmada Cabudwaaq lagu dilay Nin Ganacsade ahaa balse Ninkii ka dambeeyay dilkaas ay Ciidamada Ammaanka qabteyn, kaas oo lagu wareejiyay Ehellada Ninka la dilay.

Like it? Share it!

Leave A Response