Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka Wasiirradda Maaliyadda ee dalalka Carabta

by admin | Friday, Apr 8, 2022 | 347 views

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa ka qeybgalay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Hey’addaha Maaliyadda Carabta oo lagu qebtay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Shirkaan oo labo maalin ah ayaa diirada lagu saarayaa arrimaha Maaliyadda dalalka Carabta, horumarka la gaaray iyo caqabadaha jira.

Shirkaan ayaa waxa sidoo kale looga hadlaya fursadaha jira iyo iskaashiga dalalka Carabta ee horumarinta dhaqaalaha.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa warbixin ka jeediyay shirka inta uu socday, isagoo xusay horumarka dowladdu ka sameysay arrimaha dib-u-habeynta dhaqaalaha, Doorashooyinka iyo halka uu marayo barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response