laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay Burcad dhac geysaneysay

by admin | Friday, Apr 8, 2022 | 409 views

Ciidamada Ammaanka degmada Deeyniile ee Gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay xalay Xaafada Raadeerka ee degmadaas ku qabteen rag Burcad ah oo dhac u geysanayay dad Shacab ah.

Ragga Burcadda ah oo laba ah ayaa mid kamid ah wuxuu ku labisan yahay dharka Ciidanka Millateriga, waxaana xilliga la qabanayay ay Xaafada Raadeerka ku dhacayeen dad Shacab ah.

Saraakiil katirsan laamaha Amniga degmada Deeyniile ayaa sheegay in raggaan la qabtay iyo kuwo kale maalmihii la soo dhaafay laga raad joogay kadib markii xogtooda la helay oo dad badan ay horay u dhaceen.

Dadka Shacabka ee kunool Xaafada Raadeerka ee degmada Deeyniile Gobolkan Banaadir ayaa soo dhaweeyay qabashadan ragga Burcadda ah, iyaga oo sheegay in habeenadii la soo dhaafay ay dhac ku hayeen.

Like it? Share it!

Leave A Response