Sheekh Shariif oo sheegay inay dhex-dhexaadinayaan RW Rooble & laftagareen

by admin | Friday, Apr 8, 2022 | 356 views

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay khilaafka la xiriira doorashada ee xilligaan u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen).

Qoraal kasoo baxay sheekh Shariif ayaa lagu sheegay in uu aad uga walaacsan yahay kala aragti duwanaanta Rooble iyo laftagareen taas oo khalqal gelisay arrimaha doorashooyinka socda.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa sheegay in khilaafkaan hadda taagan hadii aan xal loo helin uu keeni karo in lagu fashilmo qabashada doorashada, ayna ka dhalan karaan natiijooyin aan dalka iyo dadkuba u wanaagsanayn oo saameyn ku yeelan kara mustaqbalka jiilasha soo socda.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Sheekh Shariif oo dhameystiran.

Ugu horreyntii waxaan bogaadinaayaa shaqada RW Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddiyada doorashooyinka taas oo ku aadan bixinta shahaadooyinka Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliyeed taas oo hadda mareysa meel fiican.

Dhanka kale waxaan aad uga walaacsanahay kala ra’yi duwanaanshaha soo kala dhex gashay RW Rooble iyo Madaxweynaha KG Cabdicasiis Lafta Gareen taas oo khalkhal gelisey habsami u socodka doorashadii waqtiga dheer la sugayay soo gebagebeynteeda.

Sida la ogsoon yahay, doorashooyinku waxay soo mareen caqabado fara badan oo keeni karay burbur, hadana mar walba waxaa looga soo gudbayey wada hadal, is fahan iyo isu tanaasul. Khilaafkaan hadda taagan hadii aan xal loo helin wuxuu keeni karaa in lagu fashilmo qabashada doorashada, waxaana ka dhalan kara natiijooyin aan dalka iyo dadkuba u wanaagsanayn oo saameyn ku yeelan kara mustaqbalka jiilasha soo socda.

Sidaas darteed waxaan usoo jeedinaayaa Raiisul Wasaaraha iyo Madaxweyne Lafta Gareen in ay raadiyaan xal looga gudbo caqabadaha jira iyo is fahan-waaga la xiriira doorashada, tallaabo kasta oo la qaadayana waa in ay ahaataa mid isu dheelli tiran oo aan keeneyn dareen loo fahmi karo in maamul gaar ah la beegsanayo.

Ugu dambeyn waxaan diyaar u nahay in aan kaqayb qaadanno xal u helidda iyo is fahamka RW & Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaan u mahad celineynaa beesha caalamka iyo daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka dalka sida wanaagsan ee ay inoo garab taagan yihiin, guud ahaan arrimaha Soomaaliya gaar ahaana doorashooyinka.

Like it? Share it!

Leave A Response