Dilal qorsheysan oo ka dhacay duleedka Kismaayo & Wararkii ugu dambeeyey

by admin | Wednesday, Apr 15, 2020 | 470 views

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadii la soo dhaafay dilal ay qorsheysan ay ka dhaceen duleedka magaalada ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Dilalkaan oo loo geystay laba ruux oo ka mid ah dadka deegaanka Yaaq Jiidii oo ku yaal dhanka xeebta ee magaaladaasi ayaa waxaa la sheegay inay fuliyeen maleeshiyaad hubeysan.

Wararka ayaa sheegaya in labada ruux ee la dilay ay heeb-ahaan kasoo jeedaan mid ka mid ah beelihii dhowaan ku dagaalamay deegaano hoostaga magaaladaasi.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo u warramay warbaahinta ayaa ka warbixiyey dilalkaasi, wuxuuna sheegay in haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Maleeshiyaadka labada dhinac ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in dhaq dhaqaaqyo cusub ay ka bilaabeen halkaasi.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa dagaal beeleedyo salka ku haya dilal la xariira aanooyin Qabiil waxay ka taagnaayeen gobolka Jubbada Hoose ee K/Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response