Bil gudaheed oo toddoba gabdhood oo lagu kufsaday Muqdisho iyo nawaaxigeeda{AKHRISO}

by admin | Tuesday, Apr 14, 2020 | 570 views

Waxaa isa soo taraya kufsiga iyo xadgudubyada loo geysanayo dumarka Soomaaliyeed iyo caruurta ka yar da’da qaan-gaarka.

Falal naxdin leh oo kufsi ah ayaa saacadihii iyo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, ilaa haddana ma jirto qof maxkamad loo soo taagay sida ay sheegeen ehelada dadka la dhibaateeyay.

Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa 7-dii bishaan magaalada Janaale oo ay maalmo ka hor la wareegeen ku kufsaday gabar 13 sano jir ah iyo haweeney xaamilo aheyd, sida ay sheegeen ehelkeeda iyo mas’uuliyiin.

Guddoomiyihii hore ee Marka Xasan Cumar Macalim ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dumarkaan la kufsaday sidoo kale loo geestay jirdil iyo xadgudubyo kale.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in gabdhahan Axaddii la keenay Muqdisho kadib markii 5 maalmood oo ay jiifeen Isbitaal ku yaala Marka wax looga qaban waayay gabadha 13 sano jirka ah.

Sidoo kale habeenkii Axadda ayaa koox hubeysan waxay gabar 18 sano jir ah ka afduubteen degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir, waxayna u geysteen kufsi iyo jirdil, sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada.

Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa falkii ka dhacay Yaaqshiid usoo qabtay laba eedeysane halka kii ka dhacay Janaale loo soo qabtay 3 Askari.

Hore ayaa sidaan oo kale laba gabdhood oo 3 jir iyo 4 jir kala ah waxaa kufsi loogu geestay Afgooye, halka gabar 7 jir ahayd loogu kufsaday Balanbal.

Bishii horey ayaa sidoo kale gabar loogu kufsaday magaalada Warsheekh, taasi oo ka dhigeysa 7 kufsi oo bil gudaheed ka dhaca Soomaaliya, gaar ahaan magaalooyinka Muqdisho, Afgooye, Janaale, Warsheekh iyo Balanbal.

Like it? Share it!

Leave A Response