Qarax ka dhacay Muqdisho{sawiro}

by admin | Tuesday, Apr 14, 2020 | 489 views

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax ka dhacay wadada Jamhuuriya Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa ahaa miino dhulka lagu aasay, waxaana la sheegay in lala damacsanaa gaari Cabdi bile ah oo ay saarnaayen Ciidamo ka tirsan xoogga dalka.

Waxaa uu dhacay Qaraxa markii gaariga Cabdi bilaha ah oo ka gudbay goobta lagu aasay Miinada.

Qaraxa ayaa geystay Khasaare kala duwan, waxaana ka mid ah in dad saarnaa mootooyin ay waxyeelo kasoo gaartay.

Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo.

 

 

 

 

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response