Diyaarad ku burburtay Garoonka Beledweyne{sawiro}

by admin | Tuesday, Jul 14, 2020 | 491 views

Wararka laga helay magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in diyaarad kusoo dhacday garoonka diyaaradaha taas oo gar-gaar u waday dadka gobolka.

Sida wararka ay tilmaamayaan, Diyaaradaasi ayaa aheyd nooca xamuulka, waxayna gar-gaar u siday dadkii ay fatahaadaha saameeyeen ee gobolka Hiiraan. Waxay kasoo duushay magaalada Jabuuti.

Saddex shaqaale oo diyaarada saarnaa ayaa laga badbaadiyay ka hor inta uusan dab ka kicin diyaaradda sida uu sheegay Korneyl Cabdillahi Muuse oo ah hogaamiyaha ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan.

Ilaa iyo hadda ma jirto in la ogaaday sababta ka dambeysa in diyaaradda dhacdo isla markaana uu dab ka kaco.

      

Like it? Share it!

Leave A Response