Duqa Garowe oo kasoo horjeestay go’aanka lagu xaraashayo Xarunta Baarlamaanka

by admin | Tuesday, Jul 14, 2020 | 415 views

Duqa Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland Axmed Saciid Muuse ayaa kasoo horjeestay tilaabadda baarlamanka Puntland ay ku doonayaan in ay ku xaraashaan xaruntoodii ay ku shiri jireen oo ku taalla Bartamaha Garowe.

Waxaa uu  sheegay in dhulka uusan laheyn baarlamaanka Puntland, islamarkaana ay tahay xarumaha danta guud ee Puntland gaar ahaan Magaalada Garowe ayna doonayaan in lagu soo wareejiyo hadii baarlamaanka ay ka guurayaan.

“Xarunta Baarlamaanku degan yahay, waa hanti dadweyne oo degmada Garoowe leedahay. Baarlamaanku si ku meel gaar ah buu ugu sii shaqaynayey inta uu xarun rasmi ah oo uu leeyahay ka helayo. Sidaa awgeed awood uma laha inuu iibiyo,Qoraal rasmi ah ayaan u diraynaa madaxda dawladda si xarunta loogu soo celiyo gacanta degmada, maadaama baarlamaanku ka maarmay”ayuu yiri Duqa Magaalada Garowe Axmed Saciid.

Guddoonka Baarlamanka Puntland ayaa Maalintii Isniin ahayd Mudanayaasha Golaha Wakiilada u gudbiyay Qoraal Codsiya oo ku aaddan in la iibiyo Xarunta uu haatan Baarlamanka ku shaqeeyo oo ka soo horjeedda Xaruntii hore ee Madaxtooyada Garowe.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ay ka cabanaayan sababo amni oo la xariirta xarunta ay degan yihiin, taasoo badalkeena ay doonayaan meel ammaan ah.

Kulankii Xildhibaanada oo ay soo xaadireen 41 xubnood waxaa in Xarunta Golaha in la iibiyo u codeeyay 31 mudane 6 xildhibaan ayaa diiday halka 4 mudane ay ka aamuseen Qoraalkaas codsiga ahaa.

Like it? Share it!

Leave A Response