Dood ka dhalatay heshiis uu saxiixay Wasiirka Batroolka Soomaaliya

by admin | Sunday, Feb 20, 2022 | 555 views

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay inay heshiis dhanka wax soo saarka shidaalka ay la galeen shirkadda Costline Exploration ltd.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan iclaamiyo inaan saxiixnay Heshiis Wax Soo Saar Wadaag 7 xirmood ah la galnay shirkadda Costline Exploration ltd. Waa guul usoo hoyatay Ummada Soomaaliyeed. Waxaan u mahad celinayaa Madaxweyaha JFS oo igu garab siiyey iguna tirtirsiiyey dhammaystirka hawshan.”

Hase yeeshee madaxtoyada Soomaaliya ayaa soo saartay war saxaafadeed lagu burinayo heshiiska waasiirka Batroolka iyo Macdanta.

War saxaafadeedka ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa sidaan lagu yiri:”Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka waxay caddeynaysaa in heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed. Cabdullaahi Farmaajo.”

Iyadoo la tixraacayo wareegtadii uu Madaxweynuhu soo saaray 7-dii August 2021 taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka, waxaan halkan ka caddeynaynaa inuusan dhaqan gal ahayn heshiiska uu haatan soo saxiisay Wasiirka Batroolka.”Sidoo kale war saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in madaxweynaha uu faray hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xasaasiga ah in hantida dadweynaha looga faa’iideysto si aan u adeegaynin danta guud, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takfilka hantida qaranka.

Dhanka kale Wax yar ka dib qoraalka Villa Soomaaliya ayuu Xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble isagana gaashaanka u daruuray heshiiska. Qoraal la soo dhigay barta facebook ee xafiiska ayaa sidaan lagu qoray.

“Heshiiska la sheegay in Wasiirka Batroolku uu saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah sidaas darteed waxba kama jiraan.”

“Ra’iisulwasaraha ayaa qaadidoonaa talaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas xadgudubka ku ah Hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed.”

Shirkadaan oo aad u daneysa inay baarto saliida gobolka Geeska Afrika ayaa heshiisyadaan ay la saxiixatay wasaaradda batroolka iyo macdanta Sooomaaliya waxuu u ogolaanayaa inay shidaal ka baarto gunta hoose ee biyaha Soomaaliya

Like it? Share it!

Leave A Response