Ciidanka DANAB oo fuliyay howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

by admin | Sunday, Feb 20, 2022 | 398 views

Ciidamada Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska DANAB ee xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Nabadsugida dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay degaano ka mid ah Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka ayaa Saraakiisha DANAB sheegeen in laga sameeyay degaannada kala ah, Muduloow Qutuuto, waareey Buulo-hareeri Iyo Dhanlojo, isla markaana lagu dilay Sarkaal katirsan Ururka Al-Shabaab iyo Saddex Xubnood oo la socday 7 kalena lagu dhaawacay.

Sidoo kale Saraakiishu waxaa ay sheegeen inay burburiyeen Saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab ayna sii wadi doonaan howlgallada ilaa Al-Shabaab ay ka saarayaan degaannada ay ka joogaan Gobolka Jubbada Hoose.

Degaannada iyo degmooyinka Gobolka Jubbada Hoose ayaa inta badan waxaa howlgallo kala duwan ka sameeya Ciidamada Kumaandooska DANAB iyo kuwa Jubbaland halka mararka qaar ay la kulmaan weeraro Ururka Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response