Jubbaland oo shaacisay Jadwalka doorashada 5 Kursi

by admin | Sunday, Feb 20, 2022 | 516 views

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa shaaciyey jadwalka qabashada doorashada 5 kursi oo kamid ah Kuraastii ka harsanaa 43-da kursi ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Kuraasta la shaaciyay ayaa kamid ah kuraas aad loo wada sugaayay, waxaana doorashadooda la shaaciyay in 22 Bishaan oo ku beegan Maalinta Talaadada ah lagu qabanayo Magaalada Kismaayo, waxaana kuraasta la shaaciyay ay kala yihiin.

1: Hop#072 oo uu ku fadhiyo Cabdirashiid Maxamed Xidig.

2: Hop#079 oo ay hadda ku fadhiso Farxiyo Xasan Axmes.

3: Hop#112 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyo Cabdi Casiis Cabdullaahi Maxamed (Xukun).

4: Hop#130 oo uu ku fadhiyo Maxamed Diiriye Khaliif.

5: Hop#136 oo uu ka geeriyooday Alle u Naxariistee Pro Maxamed Cabdi Gaandi.

Maamulka Jubbaland oo ah Maamulka kaliya ee aan weli shaacin kuraasta lagu dooranayo degaan doorashada labaad ee degmada Garbahaareey halka maamulada kale ay shaaciyeen qaarna ay soo geba-gabeeyeen degaan doorashada labaad.

 

Like it? Share it!

Leave A Response