Doorashada Golaha Shacabka oo maanta ka bilaabanaysa Boosaaso iyo Ammaanka oo si weyn loo adkeeyay

by admin | Saturday, Mar 5, 2022 | 360 views

Doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee Boosaaso taal ayaa lagu wadaa in la qabto maanta oo sabti ah iyo sidoo kale maalinta arbacadda ah sida ay shalay shaaciyeen guddiga doorashooyinka Puntland.

Guddiga hirgelinta doorashada dadban ee heer Puntland ayaa shalay shaaciyay magacyada dadka loo saadaalinayo in ay ku soo baxaan doorashada iyo malxiisyada weheliya.

Malxiisyada qaarkood ayaa lagu wadaa in ay tanaasulaan ka hor doorashada si hawsha loo fududeeyo.

16 Kursi ayaa dhammaan laga yabaa in maanta la wada doorto, maadaama uusan ka furneyn tartan adag.

Ammaanka Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga maamulka Puntland ayaa si weyn loo adkeeyay Saacaddihii ugu dambeeyay , waxaana la xiray goobaha u dhow halka ay ka dhacayso doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Ciidanka ayaa howlgallo Culus ka wadda  Xaafaddaha ay ka kooban tahay Magaalada Boosaaso.

Like it? Share it!

Leave A Response