Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo sheegay in aan qof loo xireyn kuraasta Golaha Shacabka

by admin | Sunday, Mar 6, 2022 | 451 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar ayaa kulan la qaatay musharaxiinta u taagan tartanka xildhibaanimo ee Golaha Shacabka.

Madaxweynaha ayaa musharaxiinta u sheegay inay u diyaar garoobaan doorasho daahfuran oo si nabad ah ku dhacda, waxa uuna balanqaaday inaysan dhici doonin in kursi loo xiro cid gaara.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa musharaxiinta kula dardaarmay inay hay’addaha amniga kala shaqeeyaan nabadgalyada Magaalada Beledweyne.

Kulankaan Madaxweynaha Hir-Shabeelle & kuxigeenkiisa ay la yeesheen musharrixiinta kuraasta taalla Beledweyne ayaa ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaad hubeysan kana soo horjeeda in kursiga Xildhibaan loo xiro Daahir Amiin jeesow ee soo galeen meelo kamid ah Beledweyne.

Like it? Share it!

Leave A Response