Dowlad Afrikan ah oo xabsi iyo ganaax ku rideysa raga timaha u dabta sida Dumarka

by admin | Wednesday, Jul 12, 2023 | 147 views

Dowladda Zanzibar ayaa si adag uga hortageysa ragga dalkaasi ee sida dumarka timaha u dabta , waxa ayna dowladda soo saartay go’aanno adag oo la doonayo in looga hortago ragga timaha tidcada ama dabta.

Xoghayaha guud ee wasaaradda dhaqanka iyo hidaha ee dalka Zanzibar, Dr. Omar Adam ayaa sheegay in ay dhaqan ahaan kasoo horjeedaan in ragga timaha dabtaan, waxa uuna ku hanjabay in tallaabo ka qaadi doonaan ragga timaha tidcada.

Dr Omar Aam ayaa sheegay in xabsiga la geyn doono ragga lagu arko iyaga oo madaxa u daban yahay, waxa uuna cadeeyay qofkii lagu qabtaa arrintan in uu muteesan doono lix bilood oo xabsi ah iyo ganaax lacageed.

“Tani ma aha tallaabo uu aqbali doono guddiga loo xil saaray arrimaha dhaqanka, qofka doonaya inuu timaha dabtana, waa inuu soo gudbiyo codsi gaar ah,” ayuu yiri Xoghayaha Wasaaradda arrimaha dhaqanka ee Zinzibaar.

Dalalka Afrika wiilashada kunool qaarkood ayaa dhaqan ahaan tidcada timaha, lamana oga go’aankan cusub ee dowladda Zinzibaar kasoo baxay sida uu u saameyn doono dhallinyarada dalkaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response