Dowlad Goboleedyada oo shaaciyey u jeedka kulanka gaarka ah oo ay yeelanayaan{AKHRISO}

by admin | Monday, Jul 6, 2020 | 711 views

Madaxda Dowlad goboleedyada ayaa war murtiyeed si wadajir u soo saaray ku shaaciyay inay shir degdeg isugu imaanayaan,kaas oo lagu qabanayo Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Shirkaan ayaa qabsoomi doono doona 9 bisha July oo ku beegan Khamiista soo socota,waxaana War-murtiyeedkooda ay ku sheegeen in shirka looga hadli doono arrimaha masiiriga ah ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa ay Dowlad goboleedyada sheegeen in shirkaan ay sidoo kale uga tashanayaan sidii ay shir deg deg ah isugu imaan lahaayeen Madaxda Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada sida ugu dhaqsiyaha badan.

Like it? Share it!

Leave A Response