Dowladda Somalia oo dowladda Zambia kala hadleysa Soomaali la xir xiray

by admin | Wednesday, Nov 24, 2021 | 450 views

Dabayaaqadii Bishii la soo dhaafay ee Octoober aya Ciidamada Booliska dalka Zambia waxaa ay bilaabeen inay xir xiraan dadka Soomaalida ah, waxaana walaac xoogan ka muujiyay dowladda Soomaaliya, iyada oo arrintaasi kala hadleysa dowladda Zambia.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Xubno ka socda Safaaradda Soomaaliya ee dalka Zambia inay tagaan magaalada Ndola, halkaas oo ah Goobta ay Ciidamada Booliska Zambia howlgalka ka sameeyeen, isla markaana Soomaali farabadan ku xir xireen.

War kasoo baxay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Zambia ayaa waxaa lagu yiri” Waxaan wada hadalo kala sameyney dawlada Zambia iyo heydaha kale oo ey quseysey, gaar ahaan waaxda socdaalka iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Soomaalida la xir xiray.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Zambia ayaa waxaa ay sheegeen inay Shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doonaan shirarkii is daba jooga ahaa oo ay la yeesheen  madaxda heyadaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga, waxayna Soomaalida kunool Magaalada Ndola ugu baaqeen inay xog badan ka siiyaan sida ay wax u dhaceen iyo saameynta ay ku yeelatay.

Dowladda Soomaaliya ayaa 29-kii Bishii la soo dhaafay ee Octoober  War ay soo saartay waxaa ay walaac uga muujisay xariga safmarka ah ee loo geystay Soomaalida ku nool dalka Zambia, iyada oo sheegtay in si deg deg ah loo xalinayo.

Like it? Share it!

Leave A Response