Dowladda Soomaaliya oo cadaadis xooggan saartay Itoobiya.

by admin | Wednesday, Jan 24, 2024 | 67 views

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cadaadis xooggan oo dhanka Diblumaasiyadda u badan saartay Itoobiya kaddib markii Xukuumadda Addis Ababa ay 1dii Janaayo 2024 ay shaacisay heshiis ka dhan ah madaxbannaanida iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

Tallaabooyin kala duwan ayay Dowladdu qaadday, Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Hay’adaha kala duwan Dowladda, Qurba-joogta, madax xilal kala duwan Dalka kasoo qabtay & dhinacyo kale ayaa diiday damaca gurracan ee Itoobiya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay marnaba gorgortan ka geli doonin in lagu xadgudbo taako kamid ah Ciidda, Badda & Hawada oo ah haybad gaar ah uu alle ku mannaystay Soomaalida.

Go’aankaan adag ayay Dowladda Federaalku ku heshay garab istaag xooggan oo dhinaca Waddamada badan, Hay’adaha caalami ah, Ururro ay xubin ka tahay iyo dhinacyo kale oo dhammaan muujiyay in heshiis ku sheegga Itoobiya uu yahay mid sharciga dhinac marsan.

Lataliyaha dhinaca Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Ridwaan Xuseen oo ah ninka ugu badan ee sida xad-dhaafka ah uga hadlayay damaca gurracan ee Itoobiya ayaa markaan wax ka baddelay hadallii adkaa uu uga hadlayay heshiis-beenaadkaas.

Ridwaan ayaa qoraalkiisii ugu dambeeyay uu soo dhigay barta X ee horay loo oran jiray Twitter ayaa markaan sheegay in ay dhagaysan doonnaan saaxiibada si loo helo isku-dubbarid dedaallada lagu dhimayo xiisadda ka dhalatay heshiis beenaadkaas.

“Iyada oo ay qayb ka tahay ballan-qaadkeenna, waxaan laba-jibaari doonnaa dadaalkeenna si aan u hubinno is-fahan wanaagsan. Waxaan dhageysan doonnaa saaxiibbada si loo helo isku-dubbarid dadaallada lagu dhimayo xiisadda, Waan sii wadi doonaa dadaalka aan ugu jirno in aan si joogta ah u gaarno gabogabada iyadoo dhamaan tixgalin faa’iido leh la isku muujinayo” ayuu yiri Ridwaan Xuseen.

Itoobiya waxa ay la kulantay cadaadis xooggan oo uga imaanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xukuumadda Abiy Ahmed ayaa ka baaqatay shirkii uu ku baaqay Urur Goboleedka IGAD ee Uganda ka dhacay 18kii Janaayo 2024 waxaana markale kusii ifay tooshka haya.

Like it? Share it!

Leave A Response