Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in dagaalka ka dhacay Magaalada Caad Lagu jebiyay AS.

by admin | Wednesday, Jan 24, 2024 | 49 views

War kooban oo kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada Federaalka oo kaashanaya Dadka deegaanka ee Macawiislayda loo yaqaan ay jab gaarsiiyeen ‘AS’ oo saakay duullaan ku qaaday saldhigyo ay ku leeyihiin Magaalada Caad ee Gobolka Mudug.

Qoraalka Dowladda ayaa lagu sheegay in ciidamadaan iskaashanaya ee weerarka lagu qaaday ay ka feejignaayeen duullaanka dhinaca ‘AS’ isla markaana qorshahoodu ciidan uu u diyaarsanaa maadaama dhowr jeer isku dayo kala duwan ka hortageen.

Sarkaal katirsan ciidamada Dowladda Federaalka ayaa sheegay in hub laga furtay ‘AS’ sidoo kalena laga durjiyay goobihii ay weerarka kusoo qaaday balse haatan howlgallo kala duwan ay kawadaan deegaannada miyiga ah ee Magaalada Caad hoostaga waa sida uu yiri.

Wararka Mustaqbal ay ka halayso Gobolka Mudug Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in weli Magaalada Caad & deegaannada hoostaga ay ka taagan tahay xiisadda ka dhalatay weerarka ‘AS’ ay ku qaadday saldhigyada ciidamada.

Like it? Share it!

Leave A Response