Dowladda Soomaaliya oo loogu baaqay waxka qabashada Ayaxa

by admin | Monday, Nov 2, 2020 | 376 views

Iyada oo Maalmahaan uu ayaxu faro ba’an ku hayay deegaannadda woqooyi iyo kuwa dhexe ee Soomaaliya ayaa wuxuu u gudbay dhul beereedyada ku teedsan Wabiga Shabeelle gaar ahaan kuwa ku yaala gobolka Shabeellaha Dhexe.

Beeralayda tuulooyinka hoos taga degmada Balcad ayaa sheegaya in Ayax aad u farobadan uu ku habsaday dhul beereed aad u ballaaaran oo Ayaxa kahor ka soo kabanayay fatahaado is xigxigay oo baabi’iyay dalagyadii la beeray sanadkan.

Cali Barsanje Huud oo kamid ah beeralayda tuulada mukey dheere ayaa  sheegay in xaaladda ayaxan cusub iyo fatahaaddii ka horeysayba ay deegaanka ku keentay cunno yari horseedi karta dhibaato xoog leh.

Waxaa uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay waxka qabato Ayaxa ku habsaday beero ku yaalla Gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana uu baabi’iyay dalagyadii lagu beeray.

Like it? Share it!

Leave A Response