Maxaa keenay in uu is casilaad ku dhawaaqo Madaxweynihii Hir-Shabeelle{AKHRISO}

by admin | Tuesday, Nov 3, 2020 | 326 views

Madaxweynihii mudada xilheyntiisa ay dhamaatay ee Dowlad Goboleedka Hi-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay Saqdii dhexe waxaa uu ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Madaxweynaha Maamulkaas.

Qoraal uu soo saaray Waare ayuu ku sheegay in, isaga oo tixraacayo qodobka 52aad ee Dastuurka KMG ah ee Hirshabeelle uu is casilay, xilli howlaha doorashooyinka Hir-Shabeelle ay si caadi ah uga socaan magaalada jowhar.

Maxamed Cabdi Waare ayaa qoraalkiis sidoo kale waxaa uu ku sheegay in uu dalabday in howlaha doorashooyinka Hir-Shabeelle dib loo dhigo muddo bil ah maadaama ay soo fool leeyihiin doorashooyinka Baarlamaanka Heer Federaal, balse taas bedelkeeda uu bilaawday is xulafeysi wax kala boobid iyo dano gaar ah.

“ Waxaa nasiib darro ah in arrintaasi iyo inay saas wax u dhacaan ku qanceen Duubabka Dhaqanka Hir-Shabeelle, hoggaanka kale ee Hir-Shabeelle, Xildhibaannada metela, xataa waxaa layaab leh in inay ka hadli waayaan hoggaanka mucaaradka oo badankood kasoo jeeda Hir-Shabeelle una arkaan in wado wanaagsan ku socoto ayuu yiri” Waare.

Is casilaada uu ku dhawaaqay Madaxweynihii Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo mudada xilheyntiisa ay ku ekeed 26-kii Bishii la soo dhaafay ee Oktoober ayaa waxaa uu kusoo adayaa xilli howlaha doorashooyinka Hir-Shabeelle ay ka socdaan magaalada jowhar, isla markaana Maalinta Berito oo Arbaco ah la filayo in la doorto guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

Like it? Share it!

Leave A Response