Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Ciidamo Kenyan ah ka qeyb galeen dagaalkii Beled-Xaawo

by admin | Monday, Jan 25, 2021 | 295 views

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay dagaalkii ka dhacay degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo iyo khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe oo Shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidmada Kenya iyo kuwo fallaago ah ay soo weerareen degmada Beledxaawo,  iyaga oo doonayay inay la wareegaan, balse Ciidamada dowladda ay si adag isaga difaaceen.

Waxaa uu sheegay Wasiirka in Ciidamada Dowladda ay guulo la gaareen dagaalka, isla markaana ay jab xoogan gaarsiiyeen kuwii soo weeraray sidoo kale ay dagaalka ku qabteen in ka badan 100 Maxaabiis ah.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe waxaa uu sheegay in Kenya ay soo adeegsatay  maleeshiyaad fallaago ah, kuwaas oo uu sheegay in badankood ay isku soo dhiibeen Ciidamada Dowladda ee ku sugan degmada Beledxaawo.

Ugu dambeyn Wasiir Dubbe waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay marwalba diyaar u tahay difaaca dalka, waxaana uu sheegay in Ciidmadii soo weeraray degmada Beledxaawo madaafiic ay ku garaaceen degmada ay ku dhinteen Carruur isku qoys ah.

Maamulka Jubbaland ayaa goor sii horeysay shaaciyay inay la wareegeen inta badan Magaalada Beledxaawo walow dowladda Soomaaliya ay beenisay Warkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response