Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

by admin | Monday, Jan 25, 2021 | 287 views

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya waxaa lagula eegtay degaanka weeydoow ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa lal eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ee ilaalada ka haaya wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye,isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay qaraxa.

Sidoo kale goobjoogayaasha ayaa waxaa ay sheegeen in ilaa laba askari ay ku dhinteen qaraxs halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhaawacooda la keenay Magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa, iyaga oo sheegay in qaraxa ay ku dileen Saddex Askari 5 kalena ay ku dhaawcmeen, kuwaas oo dhamaantood ahaa Ciidamada.

Wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo, qaarkood ismiidaamin ahaa, kuwaas oo ay ku dhinteen Injineerada Turkiga ee dhismaha ka waday wadadaas & askar ka tirsan Ciidamada dowladda.

Like it? Share it!

Leave A Response