Dowladda Soomaaliya oo Shirkadaha Turkiga ku eedeysay wax isdaba marin dhanka Dakhliga ah

by admin | Wednesday, Aug 9, 2023 | 145 views

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay shirkado laga leeyahay dalka Turkiga oo qaabilsan howlaha Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha, Favori LLC iyo Albeyrak inay ku guuldaraysteen inay raacaan habraacyada hubinta dakhliga ee ku xusan heshiiska faa’iidada wadaagga ah ee u dhexeeya dawladda iyo shirkadaha.

Labadan shirkadood ee Turkiga laga leeyahay ayaa muddo toban sano ku dhow maamulaya garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde iyo Dekedda Muqdisho.

Hanti dhowraha guud Axmed Ciise Guutaale ayaa shaaca ka qaaday in shirkadahan ay soo gudbiyeen xog aan sax ahayn oo ku saabsan dakhligooda, iyadoo ujeedadu tahay in la dhimo saamiga dowladda.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xaq u leedahay inay sheegato 25% dakhliga soo gala shirkadda Favori LLC, halka heshiiska labaad ee faa’iidada wadaagga ah ee shirkadda Albayrak uu dowladda siinayo 62.17% dakhliga Albayrak,” ayaa lagu yiri qeyb ka mid ah heshiiska faa’iidada.

Isku darka dakhliga ay dowladdu ka heshay labada shirkadood intii lagu jiray sannad-maaliyadeedka 2022 waa $32,442,286.00, taasoo loo kala qaybiyay Albayrak ($29,332,006.00) iyo Fivori LLC ($3,110,280.00), balse waxay hoos uga dhacday saadaasha sida ay sheegeen la-taliyayaasha maaliyadeed ee dowladda

Mr. Guutaale oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo xog hufan oo la xiriirta dhaqaalaha soo galay iyo lacagaha ka baxaya labadan shirkadood.

Si kastaba ha ahaatee, Labadan shirkadood ee warbixinta lagu sheegay ayaa kaalin lama huraan ah ka qaata in dowladda Soomaaliya ay ka caawiyaan arrimaha la xiriira horumarinta adeegyada garoonka Aadan Cadde iyo dekeda Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response