Kooxda Al-shabaab oo xayiraad kusoo rogtay Shirkada Isgaarsiinta Hormuud

by admin | Wednesday, Aug 9, 2023 | 94 views

Warar saacadahii lasoo dhaafay si weyn isu soo taraayay ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay xayiraad kusoo rogtay shirkada isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah shirkadaha ugu waa weyn dalka ee dhanka isgaarsiinta.

Xayiraada kooxda Al-shabaab ay kusoo rogtay shirkada Hormuud ayaa wararku sheegayaan iney salka ku hayso isfaham waa ku yimid amar kasoo baxay kooxda oo ay shirkaddu diiday iney fuliso.

Amarka khilaafka uu ka dhashay ee kasoo baxay kooxda ayaa la sheegay inuu ahaa in shirkada Hormuud ay joojiso nidaamka ay mushaarka ku qaataan ciidamada dowladda Soomaaliya ee Salaama Bank oo ay ciidamada ku helaan taleefanadooda, kaasoo shirkada Hormuud ay diiday iney joojiso.

Khilaafkaas kadib waxaa la tilmaamay in Ururka Al-shabaab iney xayiraad ku soo rogaan ilaa 35 xarumood oo ay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ku leedahay qaar kamid ah gobolada dalka.

Si kastaba ha ahaatee ilaa hada ma jiro bayaan rasmi ah oo kasoo baxay kooxda oo cadeynaya wararkan la xariira in Shabaab ay xayiraad kusoo rogtay shirkada isgaarsiinta Hormuud, hayeeshe waxaa xusid mudan in kooxda ay horay uga xayirtay deegaanada ay ka taliso dhaqdhaqaaqa gaadiidka shirkada.

Ugu dambeyntii dowladda Soomaaliya iyo shirkada isgaarsiinta Hormuud ilaa hada kama aysan hadlin waxa ka jira wararkaan sheegaya in Al-shabaab ay xayiraad kusoo rogtay shirkada isgaarsiinta Hormuud Telecom.

Like it? Share it!

Leave A Response