Guddoomiyaha degmada Howlwadaag oo sheegay in qofkii u soo gudbiya macluumaad halis ku ah amniga inuu siinayo Abaalmarin

by admin | Wednesday, Aug 9, 2023 | 156 views

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal Xalay si wadajir ah uga sameeyeen ciidamada Booliiska iyo Nabadsugida Soomaaliya xaafado ka tirsan degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiyaha degmada Howlwadaag bashiir Cabdi Maxamed iyo Taliyaha qaybta Waliyow Cadde, Daa’uud Axmed Caraale, waxaana howlgalkaasi ay ciidamada kusoo qabqabteen Inta uu socday tiro dad ah oo u badan dhalinyaro.

Guddoomiyaha degmada Howlwadaag Bashiir Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa la dagaalanka maan dooriyaha, ciyaal weerada iyo ka hortaga weerarada kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiye  Bashiir Cabdi Maxamed ayaa warbaahinta ka hor sheegay in qofkii soo gudbiya macluumaad halis ku ah amniga degmada sida Al-shabaab, shaqsiyaadka ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya ee degmada ku dhex isticmaalla iyo kooxaha Ciyaal weerada inuu siin doono abaalmarin.

“Saddex cadaw ayaan leenahay oo Soomaaliya horumar ka gaari la’ dahay waxaana ay kala yihiin: Garan-waaga oo ah ‘AS’, Daraagiska & Ciyaal weerada, cid soo adeegsatay ma naqaano. Si looga hortago aniga oo ah Guddoomiyaha Degmada ayaa ballanqaadaya oo iigu imaanee Xarunta Degmada iyada oo aan la ogaan inaad tahay qofka maclumaadka nala soo wadaagay” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Bashiir Cabdi Maxamed.

Taliyaha qaybta Waliyow Cadde, Daa’uud Axmed Caraale oo dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney la shaqeeyaan ciidamada amaanka, islamarkaana ay la soo wadaagaan xogaha ay helaan, si loo helo bulsho iyo Boolis isku xiran.

Gabagabadii howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay Muqdisho ay ka dhacayeen falal amaan daro oo isugu jiray dilal, qaraxyo iyo dhac ay geysanayaan burcad hubeysan.

Like it? Share it!

Leave A Response