Dowladda UK oo baaritaan ku sameyn doonta dilal lagu eedeeyay Ciidamadeeda

by admin | Friday, Dec 16, 2022 | 264 views

Militariga Britain ayaa ku dhawaaqay inay bilaabayaan baaritaan ku aadan wararka sheegaya in ciidamadooda gaarka ah ay tobanaan dilal sharci darro ah ka fuliyeen dalka Afghanistan.

Wasaaradda Difaaca ee Boqortooyada Midowday waxay aqbali doontaa dalabaadka muddada dheer ee “baaritaan madax-bannaan oo qaanuuni ah,” wasiirka difaaca Andrew Murrison ayaa ka sheegay Aqalka Baarlamaanka.

BBC ayaa sheegtay horaantii sanadkan in in duqeyn dhinaca circa ah ay ciidamada Britain ku dileen dad rayid ah oo reer Afgaanistaan ​​ah.

Murrison wuxuu sheegay in baaritaanka Afgaanistaan, oo bilaabanaya horraanta 2023, uu diiradda saari doono dilalka sharci darrada ah ee lagu eedeeyay ciidamada gaarka ah ee Biritishka intii lagu jiray howlgalladaii Afgaanistaan ​​bartamihii 2010 ilaa bartamihii 2013-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Murrison wuxuu xusay in baaritaanku uu xaqiijin doono in dhammaan shaqaalaha adeegga ee hadda iyo kuwii hore ee shaqaalaha rayidka ah ee la weydiisto in ay ku lug yeeshaan baaritaanka la siin doono taageero buuxda oo sharci ah

Like it? Share it!

Leave A Response