Ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS oo howlgal wadajir ah sameeyay

by admin | Friday, Dec 16, 2022 | 256 views

Ciidamo katirsan kuwa Nabadsugida Soomaaliya iyo Ciidamada Burundi eek amid ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa howlgal wadajir ah waxaa ay ka sameeyeen duleedka Magaalada jowhar ee caasimadda Hir-Shabeelle.

Howlgalka oo ahaa intiisa badan mid miino baaris ah ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen inta u dhaxeeysa Garoonka diyaaradaha iyo Magaalada Jowhar iyo banaanka Garoonka.

War kasoo baxay howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada ATMIS iyo ciidamada Soomaaliya ay ku qiimeynayaan oo ay ku xaqiijinayaan xarumaha muhiimka ah iyo xarumaha dadweynaha ee Soomaaliyeed.

Intii ay howlgalka ku guda jireen Ciidamada ATMIS ayaanan jirin waxyaabo ay kusoo qabteen, balse ujeedkoodu uu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa Amniga Wadada xiriirisa Magaalada Jowhar & Garoonka diyaaradaha oo Madaxda Mamulka Hir-Shabeelle ay ku safraan.

Dhawaan ayay aheyd markii qarax miino oo ka dhacay Wadada xiriirisa Magaalada Jowhar & Garoonka diyaaradaha uu ku dhintay Maareeye kuxigeenkii Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar & qaar kamid ah ilaaladiisa.

Like it? Share it!

Leave A Response