Hargeysa: Waraabe si xun u dhaacay gabar yar oo 5 Jir ah

by admin | Friday, Dec 16, 2022 | 249 views

Waraabe ayaa Weerar ku qaaday gabar yar oo 5 Jir ah, isaga oo qaatay gebi ahaanba ilmaha yar isaga oo gaarsiiyey dhaawacyo madaxa u badan, balse dadka deegaanka iyo ehalada ilmaha oo ku naxay sida Waraabuhu u qaatay ilmaha yar ayaaa ka dhigay, dhacdadan oo kaa dhacday Degmada Macalin Haaruun ee Magaalada Hargeysa ayaa abuurtay welwel iyo cabsi ku aaddan duurjoogta oo xilliga habeenka ah soo gasha degmada.

Cumar Diiriye Xersi oo ah aabaha ilmaha yar oo Warbaahinta la hadlay kaddib markii gabadha yar la dhigay Isbitaalka ama dhaqtarka aayaa yiri: “Xaaladda dhaawaca gaaaray gabadhu aad ayuu u xun yahay, Madaxa, daamanka, Sanka illaa Isha ayaa ayaa fuqsan, madaxa lafaha qaarkood ayaa jaban”

Sida uu sheegay aabaha gabadha yar Cumar Diiriye Xersi ayaa sheegaay in Waaraabuhu dafay gabadhiisa iyada oo la socoto mid kale oo Walaasheed ah, labaduba waxa ay u socdeene guri kale oo ka soo horjeeda gurigooda hayeeshee Waraabaha ayaa ku soo baxay midda yar oo gadaal socotaa midda weyn isaga oo dhexda ka qaatay.

Xilligan oo kale marka Jiilaalka iyo Abaaruhu jiraan xayawaanka duurjoogta ayaa iskudaya in uu dadka iyo duunyadaba weeraro

Like it? Share it!

Leave A Response