Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS oo sheegay howlgal ka dhacay deegaanka Juxaay in lagu dilay 88 ka tirsan AS

by admin | Friday, Dec 16, 2022 | 309 views

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay Howlgal Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA, Ciidanka dadka deegaanka ah ee loo yaqaan Macawiisleyda iyo saaxiibada Caalamka ay ka sameeyeen Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howgalka oo ka dhacay deegaanka Juxaay oo hoostagta Magaalada Guulane ee Gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay 88 ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo ku sugnaa halkaas.

Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in Ciidanka Dowladda ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Juxaay “waxa aan xaqiijin karnaa geerida soo gaartay Al-Shabaab iyo in hadda si buuxda deegaankaas Ciidanku gacanta ku hayaan kaas oo hadda ka socda howgal nadiifin ah” sida uu yiri Wasiir ku xieenka Wasaaradda Warfaafinta XFS.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay howlgalka inta uu socday in hal askari uu uga dhintay Ciidanka Dowladda halka afar kale ay uga dhaawacmeen kuwaas oo lala tacaalaya Xaaladdooda Caafimaad, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka Dowladda ay howgalka kula wareegeen saanad Ciidan oo nuucyo kala duwan lah “Ciidanka Qaranka waxa ay ku guuleysteen oo ay halkaa kula wareegeen Saanad Ciidan iyo hub kala duwan kaas oo boqolaal gaaraya isla markaana hadda Ciidanka Qaranka ay gacanta ku hayaan.”

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa ugu mahadceliyay Saaxiibada Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo jooga deegaannada ay ka socdaan dagaalada, isaga oo ugu baaqay dhalinta ka tirsan AS in ay Dowladda isku soo dhiibaan.

Warka ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli guud ahaan Gobollada dalka ay ka socdaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab kaas uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo booqday qaar ka mid deegaanadii lagala wareegay AS kuwaas oo ku yaal Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Like it? Share it!

Leave A Response